Madasha Xisbiyada Qaran oo deeq lacageed gaarsiiyay Barakacayaasha Bardaale

Wafdi ka socda madaxda Xisbiyada Qaran ayaa Isniinta maanta ah deeq gargaar ah gaarsiiyay shacabka ku dhaqan dagmada Bardaale ee gobolka Baay.

Deeqda oo ayaa lagu sheegay in ay tahay lacag cadaan ah oo dhan konton kun oo doolar, si loogu samatabixiyo dadka ku barakacay degmada Bardaale ee ismaamulka Koonfur Galbeed.

Lacagtaan ayaa lagu maareyn doonaa baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan barakacayaal tiradoodu tahay kun qoys oo barakacay daafaha Bardaale, sida ay mas,uuliyiinta madasha Xisbiyada Qaran u sheegeen Universal.


Shalay ayey aheyd markii madaxda sare ee xisbiga ay socdaal ku gaareen magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Faallooyin