Dowlada Suuriya oo shaki galisay geerida Hogaamiyihii hore ee Daacish

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad ayaa shaki ka muujiyay dilka hogaamiyihii hore ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, oo ku dhintay howlgal Mareykanka uu ka sameeyay waqooyiga Suuriya sida uu sheegay madaxweyne Donald Trump.

Mr Assad ayaa tilmaamay in ay suuragal tahay in Al-Baqdaadi meelo kale uu ku Dhuumanayo.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Ruushka ee TR ayaa u sheegay in qiyaano ay tahay dilka Al-Baqdaadi maadaama aysan kala duwaneyn siyaasada Mareykanka iyo Filimada Hollywood-ka.

Hogaamiyaha Suuriya ayaa intaa ku daray in Seynis ahaan xitaa aysan qiyaali noqon Karin Sheekadan, ayna dhici karto in meel qarsoodi ah uu joogo ama lagu sameeyay qaliinka Wajiga.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Donald Trump uu shaaciyay qabarka ku saabsan geerida hogaamiyihii hore ee daacish uuna isku qarxiyay god ku yaal dhulka hoostiisa isaga oo ka baxsanaya ciidanka Mareykanka.

Dowlada Ruushka ayaa horay su,aal uga keentay geerida hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Faallooyin