Mareykanka oo wadamada caalamka ugu digay qatarta ka Imaaneysa Iiraan

Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowlada Iiraan in ay isku diyaarineyso sameysashada hubka wax gumaada ee Nuclear-ka taasi oo xadgudub ku ah heshiiskii wadamada quwadaha ay sanadkii 2015-kii ay wada Gaareen.

Hadal ka soo baxay xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo Khamiista maanta ayaa yimid kadib markii Iiraan ay talaabo u qaaday bacriminta maadada Uranium-ka.

Mr Pompeo ayaa dhanka kale ugu digay xukuumada Tehran xasarada iyo falal Argagixiso, waxaana uu ugu baaqay wadamada caalamka in talaabo adag ay u qaadaan ficilka Iiraan.

Washington ayaa bishii May ee sanadkii 2018-kii ka baxday heshiiskii wadamada quwadaha iyadoo madaxweyne Donald Trump uu cunaqabateyn dhaqaale saaray wadanka Iiraan.

Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa dhanka sheegay in la gaaray xiligii wadamada caalamka ay ka jawaab bixin lahaayeen ficilada ee uu wado maamulka Iiraan ee talada Haya.

Faallooyin