Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka todobaadka shidaalka ee ka socda koonfur Afrika

Mas,uuliyiinta wasaarada Batroolka iyo Macdanta ayaa ka qeybgalaya shirka 26-ad todobaadka ee shidaalka Afrika oo ka socda magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika.


Shirkaan ayaa waxaa xaadir ku ah wadamada Afrika iyo shidaalka soo saara iyo wadamada laga helay oo ay ka mid tahay Soomaaliya.


Wasiirka Batrool-ka iyo macdanta xukuumada mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed oo la hadlay Universal ayaa waxuu sheegay in shirkaan ay ku soo bandhigi doonaan shidaalka dhax ceegaaga Soomaaliya.


Waxaa sidoo kale goob joog ka ah shirka matalayaal ka socda wadamada caalamka iyo ganacsatada ka baayac mushtara Shidaalka.


Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka mid noqoto wadada dhoofiya shidaalka sanadaha soo Aadan kadib sahmin iyo baaritaano dheer oo lagu sameeyay badda iyo Barriga.

Faallooyin