Diyaarado gargaar wada maanta ka dagay madaarka diyaaradaha ee magaalada Guriceel

Diyaarado waday gargaar bani aadanimo oo loogu talagalay shacabka magaalada Baladweyne ayaa ka dagay madaarka diyaaradaha ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Dalka.


Olalahaan gargaarka ayaa waxaa hormuud ka ahaa wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo mas,uuliyiin kale oo ka tirsan guddiga gurmadka oo dowladu Magacowday.


Magaalada Baladweyne ayaa wali waxaa dhex ceegaaga biyo badan taasi oo aan suuragali karin in diyaaradaha wada gargaarka ay si toos ah u Tagaan.


Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu wadaa in gaadiidka xamuulka lagu daabulo deeqdaan si loo gaarsiiyo shacabka ku barakacay fataahaada wabiga shabeele ee magaalada Baladweyne.

Faallooyin