Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degmada Mahadaay

Wararka inaga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in wabiga uu kaarar ka soo Jabsaday.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan xaafadaha.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Axmed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee wax heesta in ay caawiyaan dadka ku barakacay fatahaada Wabiga.


Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa waxay sheegayaan in biyo xireenka magaalada uu kaararka Jabsaday kadib roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka Galgaduud.

Faallooyin