Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo wali aan ka hadlin xilka qaadis maanta lagu Sameeyay

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ayaa ilaa iyo hada ka hadlin xilka qaadistii maanta ay ku sameeyeen golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland.

Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Dheeraad) ayaa lagu eedeeyay in uu ku tuntay shuruucda sida ay sheegeen mudanayaasha maanta xilka qaaday oo tiradoodu aheyd afartan Xubnood.

Ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ahna gudoomiye ku xigeenka mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa kaga dhawaaqay xarunta dhexe ee golaha wakiilada ee magaalada Garowe guddi ka kooban todobo Ruux.

Xubnahaan ayaa ka shaqeyn doono qaban qaabada gudoomiyaha baarlamaanka oo doorashadiisa la qaban doono 14-ka bishan November.

Faallooyin