Ra'isul Wasaaraha dalka oo bogaadiyay howsha ay hayaan guddiga Gar-gaarka

Ra'isul Wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Khamiista maanta ah kormeer ku sameeyay xarumaha gudiga gargaarka ee magaalada Muqdisho.

Mr Kheyre ayaa u kuurgalay qaabka ay u socdaan dadaalada ay guddiga ugu gurmanayaan shacabka ku barakacay fataahada magaalada Baladweyne iyo ismaamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo roobab xoogan ay ka Da'een.

Hogaamiyaha labaad ee dalka ayaa uga mahad celiyay shaqaalaha iyo madaxda sare ee guddiga howlaha ay u hayaan shacabka waxaana uu ku bogaadiyay in ay sii Xoojiyaan.

Wabiga magaalada Baladweyne oo  kaararka Jabsaday bishii hore ayaa waxaa ku barakacay inkabadan 300 oo kun oo Ruux.

Faallooyin