Madaxda gobolka waqooyi bari Kenya oo Maxkamad u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijada tirakoobka Dadweynaha

Madaxda laga soo doortay gobolka waqooyiga Bari ee Kenya ayaa ka hor yimid natiijada ka soo baxday tirakoobkii dadweynaha Kenya.

Barasaabka Ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Rooba dhiggiisa Wajeer Maxamed Cabdi Maxamud iyo barasaabka dowlad deegaan Garissa Cali Bunow Qorane, xildhibaano Senatarada sadexda ismaamul iyo wakiilada dumarka ayaa dacwad la xiriirta arintaan u gudbiyay maxkamada magaalada Nairobi.

Mr Cali Rooba ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in tirada dadka ku dhaqan Mandera ay noqoto 867, 457 qof halka sanadkii 2017-dii tirada codbixiyeyaasha ay kor u dhaafeen hal milyan sida lagu sheegay xogta guddiga doorashada Kenya ee loo yaqaan IEBC.

Dhanka kale barasaabka Ismaamulka Wajeer ayaa tilmaamay in dagmooyinka gobolka waqooyi Bari tirada dadweynaha ku nool hoos loo Dhigay.

Wuxuu sheegay in guud ahaan soomaalida gobolka ay filanayeen in ay kor u dhaafto 5 malyan, balse ay layaab ku noqotay markii uu maqlay dadka waqooyi bari ay yihiin 2,490,073 Ruux.


Si kastaba ha ahaatee hogaamiyeyaasha Soomaalida Kenya ayaa rajo ka muujiyay dacwada ay u gudbiyeen Maxkamada Nairobi.

Faallooyin