Guddiga gurmadka Fatahaada Baladweyne oo looga dhawaaqay magaalada Hargeysa

Xukuumada Soomaaliland ayaa magacowday guddi ka shaqeyn doono u gurmashada shacabka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay saameysay fatahaada wabiga kaararka Jabsaday ee Shabeelle.

Guddiga oo ka kooban 18 xubnood ayaa waxaa hormuud u noqon doona gudoomiyaha rugta Ganacsiga Soomaaliland Jamaal Ceydiid Ibraahim.

Xubnahaan ayaa ka shaqeyn doona aruurinta tabarucaada bulshada Soomaaliland si loo gaarsiiyo shacabka magaalada Baladweyne oo xaalad bani aadanimo xiligaan Wajahaya.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga mudane Jamaal Ceydiid oo la hadlay Universal ayaa sheegay in ku dhowaad 300 oo kun oo qoys ay ku barakaceen fataahada wabiga ayna wajahayaan gaajo qarkana ay u saaran yihiin cudurrada ka dhasha biyaha sida kaneecada iyo Daacuun.

Mr Jamaal ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliland in ay caawiyaan walaalaha Baladweyne maadaama Soomaalida ay hal jir wada leedahay meel waliba oo ay Joogaan.

Ugu danbeyn waxaa uu sheegay in labada bulsho marwalba ay iska taageeraan dhibaatooyinka dabiiciga ah waxaana uu tusaale u soo qaatay abaarihii dalka ka dhacay sanadkii 2011-kii oo ay gurmadeen shacabka ku dhaqan koonfurta Dalka.

Faallooyin