Wasiirka Amniga oo Dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo ay yeelan doonto laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Maxamed Abuukar Islow ayaa Arbacadan dhagaxdhigay dhismaha xarunta cusub oo ay yeelan doonto laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa diblumaasiyiin ka socda wadamada Norway Finland UK iyo Denmark kuwaasi oo ka taageeraya dowlada dhismaha Xaruntaan.

Agaasime ku xigeenka guud ee hey,ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdulaahi Bashiir ayaa u sheegay Universal Tv in qorshaha dhismaha xaruntaan ay soo socotay sadaxdii sano ee la soo Dhaafay.

Dhanka kale wasiirka Amniga Xukuumada ayaa u mahadceliyay afarta wadan ee dhaqaalaha ku bixiyay dhismaha xaruntaan, iyo sida ay u garab taagan yihiin dhismaha Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka laanta Jinsiyadaha ayaa ugu danbeyn sheegay in la soo afmeeri doono dhismaha xaruntan marka la gaaro sanadka 2021-da.

Faallooyin