Nin Mindi watay oo weerar ku qaaday dalxiisayaal ku sugan dalka Jordan

Nin watay midi ayaa sideed ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib dhaawac daran ugu geestay Arbacada maanta ah magaalo loo dalxiis tago oo ku taal wadanka Jordan.


Booliska ayaa sheegay in afar ka mid ah dadkaan ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Jordan, halka sadexda kale lagu sheegay sadex dalxiise oo u dhashay Mexico iyo muwaadin ka yimid wadanka Swiss-ka ee dhaca qaarada Yurub.


Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Jordan ayaa lagu xaqiijiyay in xabsiga la dhigay ninka weerarkan geestay walow aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka danbeysa Falkaan.


Dhacdadaan ayaa laga soo tabiyay magaalada Jiraash oo masaafo ahaan 50 kiilo mitir dhanka waqooyiga kaga beegan magaalada madaxda Jordan ee Cumaan.


Dalkaan carbeed ayaa waxuu ka mid wadamada safka hore kaga jira dhanka dalxiiska dunida Xiligaan.
Afhayeenka booliska Mr Amer Sartawi ayaa sheegay in ninka weerarka geestay uu dhaawac soo gaaray loona qaaday magaalada Cumaan si loo Daweeyo.

Faallooyin