Denmark oo balanqaaday in dowlada ay ka taageeri doonto la dagaalanka Al-Shabaab

Ra'isul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Arbacada maanta wasiirka Arimaha dibada Denmark Jeppe Sebastian Kofod, oo safar ku soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.


Mr Kheyre iyo Jeppe Sebastian ayaa ka wadahadlay sidoo boorka looga jafi lahaa xiriirka labada wadan ee horaan u dhaxeeyay ka hor inta aysan burburin xukuumadii hore ee dalka sanadkii 1991-dii.


Diblumaasiga sare ee Denmark ayaa aad uga mahad celiyay sida dowlada ay u soo dhaweysay waxaana uu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay taageerada Soomaaliya, si looga taqaluso kooxaha Argagixisada.


Jeppe Sebastian ayaa intaa ku daray in hormarka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya ay ku xiran tahay in laga adkaado Al-Shabaab.


Denmark ayaa waxay ka mid wadamada qaarada Yurub waxaana ku nool kumanaan ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasi oo ka cararay colaada iyo amni darada dalka ka jirtay intii lagu guda jiray xiligii Burburka.

Faallooyin