Ciidanka Amniga Turkiga oo gacanta ay ku dhigay xaaska hogaamiyihii hore ee Daacish

Ciidanka Amniga Turkiga ayaa gacanta ku dhigay xaaska hogaamiyihii daacish Abuubakar Al-Baqdaadi oo todobaad ka hor lagu dilay howlgal ka dhacay waqooyiga Suuriya.


Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xaqiijiyay qabashada haweeneydaan Arbacada maanta inkastoo uusan macluumaad dheeri ah ka Bixin.


Washington ayaa dabayaaqadii bishii hore sheegtay in hogaamiyihii daacish uu isdilay asaga oo adeegsanaya Jaakadaha qarxa si uu ugu baxsado milatariga Mareykanka.


Mr Erdogan oo ku sugnaa Jaamacada magaalada Ankara ayaa sheegay in ciidanka Amniga Turkiga ay hayaan xaaska Abuubakar uu ka geeriyooday iyo gabadha la dhalatay iyo Seygeeda.


Wuxuu rajo ka muujiyay in shaqsiyaadkan ay xog buuxda ka caawin doonaan ciidanka sirdoonka maadaama haweeneydaan ay aheyd xubin muhiim u ah Reerka.


Dabayaaqadii bishii hore ayay aheyd markii xoghayaha arimaha dibada Mareykanka uu sheegay in howlgalka ka dhacay suuriya ay sidoo kale ku dhinteen labada xaas ee Abuubakar Al-Baqdaadi.


Balse hadalka madaxweyne Erdogan ayaa meesha ka saaraya sheegashada Mareykanka.


Kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geerida hogaayahooda waxaana ay xilka u magacaabeen nin lagu magacaabo Abu Ibrahim al-Hashemi al-Quraishi.


Hogaamiyaha daacish ayaa sheegtay in uu yahay amiirka muslimiinta qarnigaan waxaana kooxda ay awood buuxda ku laheyd wadamada ciraaq iyo Suuriya intii u dhaxeysay sanadkii 2014-kii ilaa 2017-dii, ka hor inta isbaheysiga mareykanka uusan kala wareegin deegaano badan oo ay Maamulayeen.

Faallooyin