Sacuudiga oo dalkiisa ka tarxiilay boqolaal ruux oo u dhalatay wadanka Itoobiya

Boqolaal ruux oo Itoobiyaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay dib ugu laabtay dalkooda kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada Sacuudiga, sida uu sheegay Arbacada maanta ah sargaal ka tirsan Dowlada.


Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mr Nebiat Getachew, oo u waramayay wakaalada wararka shiinaha ee Xinhua, ayaa xaqiijiyay in 840 ruux oo Itoobiyaan ah ay soo guryo Noqdeen.


Mr Getachew ayaa intaa raaciyay in sii deynta maxaabiistan ay timid kadib wadahadal dhaxmaray Itoobiya iyo Sacuudiga.


Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dadkaan badi lagu xukumay xabsi kadib markii lagu eedeeyay in si aan sharci aheyn ay ku galeen Sacuudiga, tiiyoo ay jirto in ruqso la,aan ay ka Shaqeynayeen.


Inkastoo dalka Itoobiya uu dhaqaalihiisa kobcayo tan iyo markii uu xilka la wareegay ra'isul wasaare Abiye Axmed sanadkii hore, ayaa hadane aysan waxba ka badalin muwaadiniinta Itoobiya ee ka tahriibaya dalkooda si dhaqaale ay u Abuuraan.

Faallooyin