Dowlada Yemen iyo Mucaaradka hubeysan oo heshiis nabadeed Gaaray

Dowlada Yemen ee caalamka aqoonsan yahay iyo maleeshiyada taageerada ka helaya ayaa heshiis talo wadaag ah gaaray kaasi oo soo afjaraya dagaalka u dhaxeeyay labada Dhinac.


Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay talaadada maanta ah heshiiska dowlada iyo maleeshiyada ku sugan koonfurta Yemen ay wada Gaareen.


Mr Salmaan ayaa intaa ku daray in heshiiska lagu gaaray magaalada Riyaad uu yahay wadiiqo loo qaaday nabada iyo xasiloonida Yemen oo afartii sano ee la soo dhaafay dagaalo ka Socdaan.


Wuxuu intaa ku daray in boqortooyada Sacuudiga ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Yemen oo la dhibtoonaya colaada iyo Gaajada ka jirta dalkaan Carbeed.


Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in la soo dhiso xukuumad cusub taasi oo xilal laga siin doono mucaaradka ku sugan koonfurta Yemen.

Faallooyin