Xukuumada Ciraaq oo loogu baaqay in ay adkeyso amniga safaaradaha ku yaal Dalkeeda

Dowlada Iiraan ayaa ku boorisay xukuumada Ciraaq in ay qaado talaabooyin wax ku ool ah si loo xaqiijiyo amniga xarumaha diblumaasiyada ee Tehraan ay ku leedahay dalka Ciraaq.


Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dibadbaxayaal careysan ay weerar ku qaadeen qunsuliyadda Iiraan ku leedahay magaalada shiicada ay ku xoogan tahay ee Karbala.


Dibadbaxayaasha ayaa dajiyay calanka Iiraan waxaana ay sureen dhismaha qunsuliyada calanka ciraaq, iyaga oo ku qeylinayay Iiraan ha joojiso faragalinta siyaasada Ciraaq.


Warsaxaafadeed uu ku saxiixnaa afhayeenka wasaarada arimaha dibada Iiraan Mr Abbas Mousavi, ayaa lagu canbaareeyay Weerarkan.


Iiraan ayaa dhanka kale walaac ka muujisay dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka taagan todobaadyadii la soo dhaafay wadanka daris wadaaga ay yihiin ee Ciraaq.

Faallooyin