Mareykanka oo lagu tilmaamay wadan Nabada ka jirta aan la isku haleyn Karin

Qareenada Canada ee u dooda hey,adaha xuquuqda aadanaha ayaa qaaday talaabo sharci ah waxaana ay sheegeen in Mareykanka uu xiligaan aheyn meel nabadgalyo ah oo qaxootiga ku noolaan Karo.

Maxkamada magaalada Toronto ayaa isniintii shalay dhageysatay dacwada ay qareenada ku dalbanayaan in meesha laga saaro heshiis hore oo u dhaxeeyay labada wadan.

Mareykanka iyo Canada ayaa sanadkii 2002-dii isla meel dhigay in dadka magangalyo doonka ah lagu ixtiraamo dalka uu markii hore soo Caga-dhigtay.


Qareenada ayaa waxyaabaha ay ku macneeyeen in Mareykanka xiligaan uu yahay mid aysan ku noolaan karin qaxootiga waxaa ka mid ahaa sawir la qaaday 20-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2017-dii kaasi oo muujinayay nin Mareykan ah oo diiday in uu caawiyo lamaane magangalyo doon ahaa.


Meesha ay arintaan ka dhacday ayaa waxay aheyd xadka Canada iyo Mareykanka gaar ahaan meel u dhow magaalada Champlain.


Dacwadaan ayaa waxaa gudbiyay hey,adaha kala ah Amnesty International iyo hey,ada u dooda xuquuqda qaxootiga Canada oo loo yaqaan Canadian Council for Refugees.


Qareenada ayaa maxkamada ka codsaday in meesha laga saaro heshiiska labada wadan si Canada ay magangalyo u siiso dadka loo diiday sharciyada Mareykanka.


Canada ayaa dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa in ay tahay 7.59 milyan ruux waana dal sanadihii danbe safka hore uga jiray soo dhaweynta Muhaajiriinta.


Dalkaan ayaa waxaa looga kala hadlaa luuqadaha Ingariiska iyo Faransiiska waana dad markii hore asalkooda lagu Beeray Canada.

Faallooyin