Dibadbaxyada ay dadka ku dhimanayaan oo wali ka socda dalka Ciraaq

Ciidanka amniga Ciraaq ayaa toogasho ku dilay 13 dibadbaxayaal ah 24-tii saac ee la soo dhaafay kuwaasi oo shacabka ku dalbanayaan in madaxda heysa talada ay xafiiska ay Baneeyaan.


Isniintii shalay ayaa sideed ka mid ah dadkaan la dilay, halka shanta kale habeenimadii xalay ilaa aroortii hore ee saaka oo talaado ah ay ciidanka ciraaq Qaarijiyeen.


Dilalkaan ayaa warbaahinta waxaa u xaqiijiyay howlwadeenada caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Ciraaq.


Dibadbaxayaasha oo xiray marinka laga galo dakadda Umu Qasr ee dhanka koonfureed uga beegaan magaalada saliida hodanka ku ah ee Basra ayaa waxaa rasaas ooda uga qaaday ciidanka taasi oo keentay dhimashada hal ruux hal tiro kalena ay ku Dhaawacmeen.


Xukuumada Ciraaq ayaa dilalkan ka soo qaaday waxba kama jiraan waxaana ay ku eedeysay dibadbaxayaasha in ay jabiyeen sharciga ayna awood u adeegsan Doonto.


Guud ahaan dalkaan carbeed ayaa waxaa ka taagan kacdoon ay shacabka ku dalbanayaan isbadal dhanka maamulka oo ka samatabixin kara shaqo la,aanta maamul xumada iyo musuq maasuqa hareeyay madaxda Dowlada.

Faallooyin