Wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliland oo soo dhaweysay magacaabida taliyaha cusub ee Booliska

Maamulka Soomaaliland ayaa taliye cusub u magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Magacaabidan ayaa timid kadib markii Jimcihii hore uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan.


Wasaarada arimaha gudaha ayaa soo dhaweysay xilka taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliland ee loo magacaabay Janaraal Maxamed Saqadhi.


Taliyaha cusub ayaa looga fadhiyaa dardar galinta howlo badan oo horyaala oo ay ka mid tahay dhanka sugida Amniga, Inkastoo Soomaaliland ay ka jirto nabad lagu naaloon Karo.

Faallooyin