Diyaarad Gargaar siday oo ka degtay magaalada Baardheere

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baardheere ee ismaamul goboleedka Soomaaliyeed Jubbalanad ayaa waxay sheegayaan in diyaarad siday gargaar ay maanta gaartay Magaalada.


Deeqdan oo ka socotay dowlada dhexe ayaa waxay isugu jirtaa Daawo marada Kaneecada Teendhada laga sameeyo guryaha Macmalka iyo bustayaal iyo agabyo kale oo loogu talagalay dadka ku barakacay Fatahaada.


Guddiga Gurmadka dowlada ee laga soo xulay golaha wasiirada ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan caawinta dadka ku barakacay fatahaada oo boqolkiiba sideetan ay yihiin shacabka magaalada Baladweyne.


Shacabka magaalada Baardheere ayaa aad u soo dhaweeyay deeqda talaadada maanta ah gaartay iyagoo ubu baaqay mas,uuliyiinta dalka in dadaalkooda ay sii laba Jibaaraan.

Faallooyin