Diblumaasi ka hadlay sida xal looga gaari karo amni darada ka taagan Dunida

Dhibaatada guud ahaan ka jirta wadamada caalamka gaar ahaan falalka argagixisada weerarada ku saleysan burcadnimada iyo dhibaatada dhanka daroogada ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shaqo la,aanta Dhalinyarada.


Safiirka dalka Bulgium-ka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Nicolas Nihon ayaa sheegay in uu qabo nafsad ahaan in dhibaatada ka jirta guud ahaan caalamka ay ka bilaabato Dhalinyarada.

Mr Nihon ayaa tilmaamay in wadamada hormaray looga baahan yahay in si wadajir ay ugu soo jeestaan shaqo abuur in loo sameeyo dhalinyarada ku dhaqan wadamada faqriga iyo colaadaha ay ka Jiraan.


Isaga oo sii hadlayay ayaa waxuu intaa ku daray in wadamada Afrika ay heestaan ilo dhaqaale balse ay u baahan yihiin in maalgalin lagu Sameeyo.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo tobanaankii sano ee la soo dhaafay ay sii kordheysay saxaradaha ka jira guud ahaan caalamka kuwaasi oo hormuud ay ka yihiin Dhalinyarada.


Wadamo badan oo ku yaal dalalka carabta ayaa sanadkaan waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay xilalkoodi ku waayeen madaxdii xukumeysay kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen shaqo abuurka Dhalinyarada.


Waxaa ka mid ah wadamada Suudaan iyo Al-Jeeriya iyo Lubnaan halka dalka ciraaq ay ka socdaan dibadbax looga soo horjeedo Dowlada.

Faallooyin