Gudiiga gurmadka fatahaada magaalada baladweyne oo ka hadlay dadaalada ay wadaan soomaalida Kenya

Magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda ololaha loogu gurmanayo shacabka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo fatahaado Harqiyeen.


Xubno ka mid ah guddiga dhowaan la magacaabay oo uu hogaaminayo Shiikh Maxamed Cabdi Umal, oo la hadlay Universal ayaa sheegay in dhaqaale fiican ay aruuriyeen walow inbadan ay dhiman tahay.


Fatahaada magaalada Baladweyne ka dhacday dabayaaqadii bishii hore ee October ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoys oo daganaa magaalada kadib markii wabiga uu Kaararka Jabsaday.


Waxaa intaa dheer in mas,uuliyiin hore u soo maray magaalada iyo kuwa xilal hayay ay ku hafteen wabiga kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku rogmatay Biyaha.


Shalay ayey aheyd markii laba diyaarad oo waday gargaar ay ka soo dageen magaalada caasimada ah Muqdisho kuwaasi oo ka kala yimid wadamada Qatar iyo Jabuuti.

Faallooyin