Haweeney Da' ahaan Boqol sano kor u dhaaftay oo kufsi loogu geestay gudaha Kenya

Haweeney waayeel ah oo da'deeda lagu sheegay 102 sano ayaa koox burcad ah waxay ku kufsadeen Ismaamulka Kitui ee ku yaal bartamaha Kenya sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Amniga.

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Yatta oo xaqiijiyay dhacdadaan ayaa sheegay in baadi goob ay ugu jiraan ragga ka danbeeyay Kufsigaan, ayna cadaalada la tiigsan Doonaan.

Mr Chacha ayaa intaa raaciyay in haweeneyda la kufsaday si xun loo Jirdilay habeenimadii Axadda, walow uusan sheegin shaqsiyaadka lagu Tuhmayo.

Kufsiga ayaa ka dhacay guriga haweeneydan ay kaga nooleyd degmada Yatta ee bartamaha Kenya.


Falal danbiyeedyada la xiriira kufsiga ayaa ku sii kordhayay Ismaamulka Kitui bilihii la soo dhaafay, waxaana arintaan laga hadal hayaa guud ahaan dalka Kenya.

Faallooyin