Saxafiyiinta Hargeysa oo ka hadlay Geerida ku timid taliyihii ciidanka Booliska Soomaliland

Saxafiyiinta ka howlgala deegaanada Soomaaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid taliyihii ciidanka booliska Cabdullaahi Fadal Iimaan oo maalintii Jimcaha Geeriyooday.


Qaar ka mid ah saxafiyiinta oo la hadlay Universal ayaa sheegay in ay ka naxeen geerida ku timid taliyaha oo ay sheegeen in uu ahaa shaqsi wanaagsan.


Saxafiyiinta magaalada Hargeysa ka howlgasha ayaa dhanka kale tilmaamay in taliyaha ay la lahaayeen iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda uuna ahaa shaqsi Ixtiraam u Muujiya.


Allaha u naxariistee Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa ku geeriyooday Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa kadib xanuun uu la ildarnaa Mudooyinkaan.


Inta uu geeriyoon ka hor ayuu daaweyn caafimaad u aaday dalka Turkiga, waxaana ugu danbeyn uu ku soo laabtay magaalada Hargeysa oo uu ku dhintay Jimcihii Hore.

Faallooyin