Xukuumada oo warbixin ka soo saartay Gurmadka loo fidinayo dadka ku barakacay fatahaada magaalada Baladweyne

Xukuumada ayaa ka hadashay halka ay marayaan dadaalada loogu gurmanayo dadka waxyeelada ay ka soo gaartay fatahaada wabiyada iyo roobabka daadadka ka dhashay ee ka da'ay ismaamulada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.


Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdixayir Maareeye oo ka hadlay arintaa ayaa wuxuu tilmaamay in meel wanaagsan ay marayaan Gurmadka loo fidinayo shacabka ku saamoobay fatahaada, gaar ahaan kuwa magaalada Baladweyne.


Mr Maareeye ayaa dhanka kale u mahad celiyay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya doorka ay ka cayaarayaan caawinta dadka ku barakacay Fatahaada iyo Daadadka.


Magaalada Baladweyne ayaa boqolkiiba sideetan ay dowlada sheegtay in ay tahay meesha ugu daran oo xaalada bani aadanimo ay ka jirto marka loo eego deegaanada kale ee Ismaamulka Hirshabeele.


Dowlada ayaa sidoo kale u mahad celisay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibada doorka ay ka qaateen caawinta walaalaha magaalada Baladweyne.

Faallooyin