Ciidanka Amniga Masar oo ku dhowaad boqol dagaalyahan ku dilay gobolka Siinaay

Ciidanka Amniga Masar ayaa dilay 83 dagaalyahan oo ku sugnaa bartamaha iyo waqooyiga gobolka Siinaay kadib howlgalo ka dhacay bil gudaheed, sida lagu sheegay warbixin isniinta maanta ah ka soo baxday taliska milatariga Masar.

Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay 61 xubnood oo lagu tuhmayo in gacan saar la leeyihiin ciidanka Amniga halka la soo saaray 376 bambaano kuwaasi oo ah nooca dhulka lagu Aaso.

Howlgalkaan ayaa dhanka kale waxaa ku dhintay hal sargaal iyo laba askari oo ka tirsanaa milatariga, Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin maleeshiyada la laayay kooxda ay ka Tirsanaayeen.

Xasaradaha iyo weerarada ka dhanka ah ciidanka amniga Masar ayaa ka dilaacay gobolka Siinaay tan iyo markii afganbiga xilka looga tuuray madaxweynaha ay shacabka doorteen ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Dabayaaqadii sanadkii 2017-dii ayaa gobolka Siinaa waxaa ka dhacay dhimashadii ugu badneyd ee ka dhacda taariikh-da dalka Masar kadib markii 300 musaliin ah lagu dilay masaajid ku yaal gobolka Siinaay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay mas,uuliyada weerarkaasi.

Bishii Febraayo ee sanadkii 2018-ka ayaa ciidanka milatariga masar waxay howlgal xoogan ka bilaabeen aagaasi iyadoo maleeshiyada ku sugan waqooyiga Masar lagu eedeeyay in gacan saar ay la leeyihiin dagaalyahanada Daacish.

Faallooyin