Turkiga oo Sheegay in uu sii heyn doonin maxaabiista daacish ee xabsiyada ugu Xiran

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in dagaalyahanada Daacish ee gacanta ugu jira uu dib ugu celin doono wadamada ay asal ahaan ka soo jeedaan ama ay ka heestaan aqoonsiga Muwaadinimo.

Wasiirka arimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu oo ka hadlay arintaan ayaa ku eedeyay wadamada reer galbeedka in ay doonayaan sameynta sharci cusub oo lagula macaamilayo kooxda Daacish.

Mr Soylu ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga uusan aqbali doonin siyaasada ah in dagaalyahanada Daacish lagu hayo wadamada lagu Qabtay.

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in xabsiyada Turkiga ay ku xiran yihiin ku dhowaad 1,200 oo maxaabiis ah oo ka tirsan dagaalamayaasha daacish kuwaasi oo 287 ka mid ah lagu qabtay howlgalka uu turkiga ku qaaday waqooyiga Suuriya.

Mar uu soo hadal qaaday in maxaabiista qaarkood oo muwaadinimada laga laabtay ayaa waxuu tilmaamay in Turkiga aysan wax ka galin balse diyaarado ay dalalkooda ugu safrin Doonaan.

Maxaabiista kale ee Daacish ee ka soo jeeda Suuriya ayaa iyagana waxaa la geyn doonaa deegaanada uu Turkiga qabsaday ee ku yaal dalka Suuriya.

Faallooyin