Sadex ruux oo lagu dilay weerar lagu qaaday qunsuliyada Iiraan ee magaalada Karbala

Ugu yaraan sadex ruux oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay kadib markii weerar xoogan ay ku qaadeen qunsuliyada Iiraan ay ku leedahay magaalada Karbala, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska.

Dibadbaxayaasha ayaa ka gudbay afaafka hore ee laga galo dhismaha Qunsuliyada galinkii danbe ee shalay iyaga oo doonayay in ay gudaha u galaan dhismaha Safaarada.

Waxay ku qeylinayeen ma dooneyno Iiraan waa inaad nooga baxdaan dalkeenaiyaga oo ku eedeeyay in Iiraan ay faragalin ku heyso siyaasada Ciraaq.

Booliska ilaalada ka ahaa goobta ayaa isku dayay in rasaas ay ku kala ceyriyaan dibadbaxayaasha inkastoo ay adkaatay ka hor inta aan la toogan sadexda Ruux.

Agaasimaha hey,ada u dooda xuquuqda aadahana ee dalka Ciraaq Mr Mustafa Saadoon ayaa xaqiijiyay Isniinta maanta ah in sadex qof habeenimadii xalay ay ciiidanka Toogteen.

Mr Mustafa ayaa intaa raaciyay in xogtaan uu ka soo xigtay laamaha caafimaadka ee magaalada Karbala.

Faallooyin