Mareykanka oo ka biyo diiday codsi kaga yimid Kenya oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab

Dowlada Mareykanka ayaa ka biyo diiday codsi ugu yimid dowlada Kenya oo ahaa in dagaalyahanada Al-Shabaab lagu daro Liiska caalamiga ah ee kooxaha Argagixisada.

Wasiirka difaaca Kenya Marwo Rechele Omamo oo kulan kula qaadatay magaalada caasimada ah ee Nairobi madaxa holgalada gaarka ah ee milatariga Mareykanka Mr Richard Clark, iyagoo ka wadahadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee dhanka Amniga.

Xukuumada Kenya ayaa taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka kala hadashay in Mareykanku ogolaado in Al-shabaab lagu daro qodobka 1267-aad ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Balse Mr Clark ayaa tilmaamay in Washington aysan ku dag dagi karin xiligaan in ay qaadato go,aan ceynkani oo kale ah maadaama horay dowlada badan ay u Diideen.

Dhanka kale Mareykanka ayaa balan qaaday in uu Kenya ka taageeri doono dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee weerada ka geysanaya qeybo ka mid ah Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Diidmadan ayaa ku soo aadeysa bilo kadib markii wadamada Soomaaliyada UK iyo Mareykanka ay diideen codsiga Kenya ay u gudbisay golaha amaanka ee Qarmada Midoobay.
 

Faallooyin