Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo socdaal ku gaaray wadanka Afghanistaan

Xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa socdaal ku gaaray dalka Afghanistan kadib wadahadaladii Mareykanka iyo Ururka Taalibaan ee Fashilmay.

Socdaalkan ayaa la xiriira iyadoo Washington ay qorsheyneyso in 5,000 askari ay kala baxdo Afghanistan kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka Isbaheysiga NATO.


Mr Esper oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro sidii loo dhimi lahaa ciidanka Mareykanka.

Balse wuxuu sheegay in la bixitaanka ciidankooda ay ku xirantahay hormar laga gaaro dadaalada Nabada ee dalka Afghanistaan.

Ciidanka NATO ayaa weeraro xoogan kala kulma dagaalyahanada la magacbaxay dowlada Islaamka ee daacish iyo ururka Talibaan oo xiriir la leh dagaalyahanada Al-Qaacida.

Faallooyin