Dowlada Bangladesh oo looga digay in deegaano cusub ay dajiso qaxootiga Rohingya

Madaxa sare ee qaxootiga Bangladesh ayaa sheegay in kumanaan kun oo qaxooti ah oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya ay dib u dajin ugu sameyn doonaan Jasiirada Bay Bengal oo caan ku ah duufaanada Dabiiciga ah ee wata Fatahaaaha.

Qaxooti dhan 740,000 oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya oo ka soo cararay wadanka Myanmar bishii August ee sanadkii 2017-dii ayaa ku nool dalka Bangladesh.


Milatariga Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay wali wadaan xadgudubka muslimiinta ku nool gobolka Rakhine, iyadoo dhowaan la xaqiijiyay in 200,000 oo qaxooti hor leh ay soo Barakaceen.


Xukuumada Dhaka ayaa sheegtay in qaxootigan aysan ku filneyn xerada Cox Bazar ayna doorbideyso in Jasiiradaha maran ay dib u dajin ugu Sameyso.


Kumanaan kun oo qaxooti ah ayaa rajo xumo ka muujiyay dib u dajinta loogu sameynayo Jasiirada Bhashan Char, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay Maxbuub Alam oo ka tirsan dowlada Bangladesh.

Mr Alam ayaa dhanka kale ka gaabsaday waqtiga qaxootigan ay dib u dajinta u sameyn doonaan, balse wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto bisha December ee dabayaaqada Sanadkaan.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights.

Faallooyin