Mas,uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo tababar la xiriira dhanka xuduudaha looga furay magaalada Muqdisho

Gudiga doorashada iyo xadeynta dalka ayaa maanta tababar uga furay magaalada caasimada ah ee Muqdisho saraakiil ka tirsan ismaamulka Hirshabeelle.


Tababarkaan ayaa la xiriira soohdin u sameynta labada maamul ee daris wadaaga ah sida ay xaqiijiyeen saraakiisha tababarkaan Wada.


Madasha lagu daahfuray kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha gudiga madaxa Banaan ee Xuduudaha dalka Qaliif Cabdikariin Maxamed, wasiirka arimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo xubno kale.

Labada maamul ayaa soo dhaweeyay tababarkaan lagu casriyeynayo xaduudaha, waxaana ay u mahad celiyeen gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Dalka.

Faallooyin