Saanad ciidan oo laga dajiyay dakedda magaalada Hobyo

Doomo ay saaran yihiin hub daran-dooriga u dhaca ayaa ka dagay dekkada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ee ismaamulka Galmudug ee dhaca bartamaha Dalka.

Hubkaan ayaa la sheegay in ay leedahay dowlada dhexe loona wado ciidanka milatariga gaar ahaan guutada 21-aad ee ku sugan Gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan dowlada oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in hubkaan la doonayo in lagula dagaalamo maleeshiyada Al-Shabaab ee wali ku sugan qeyno ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale qabarkaan ayaa waxaa Universal u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka Deegaanka.

Saanadan milatari ayaa markii hore ka baxday dekkada weyn ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan gaarin magaalada Hobyo.

Xukuumada dhexe ee dalka ayaa dadaal ugu jirta sidii ururka Al-Shabaab ay uga sifeyn laheyd deegaanada ay wali ka joogaan bartamaha iyo koonfurta dalka iyadoo sanadaha soo aadan loo madlan yahay in dalka faarujiyaan ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

Faallooyin