Masar oo looga digay in ay toogato shaqsiyaad qeyb ka ahaa banaanbax looga soo horjeeday Dowlada

Hey,ada qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqday dowlada Masar in ay sii deyso shaqsiyaadka u ololeeya arimaha bulshada oo ciidanka amniga xabsiga dhigeen kadib dibadbaxii looga soo horjeeday madaxweyne Cabdifataax Al-Siisii.


Shacabka Masar ayaa 20-kii bishii September dhigay dibadbaxyo ka dhan ah dowlada xilka heysa,kadib baaq ka soo baxay ganacsadaha lagu magacaabo Maxamed Cali ee ku sugan dalka Spain.

Ciidanka amniga ayaa xiray ku dhowaad 3,400 oo banaanbaxayaal ah sida ay xaqiijisay hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Masar iyo ilo kale oo Madaxbanaan.

Dadkaan ayaa 300 oo ka mid ah xabsiyada laga sii daayay balse waxaa la aaminsan yahay in kumaan kale ay xabsiyada ku Jiraan.

Waxaa laga cabsi qabaa in shaqsiyaadka u xiran xukuumada Qaahira qaarkood lagu xukumo dil Toogasho.

Faallooyin