Bashar Al-Assad oo sheegay in uu u dulqaadan doonin ciidanka shisheeye ee ku sugan waqooyiga Suuriya

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa dalbaday in milatariga Turkiga ee howlgalada ka wada gobolka waqooyi bari iyo kuwa kale ee Ajnabiga ah ee sida sharci darada ah ku jooga ciida Suuriya in ay isaga Baxaan.


Mr Asad ayaa hadalkaan ka sheegay kadib kulan uu la qaatay Jimcaha maanta wafdi ka socda aqalka madaxtooyada Kremlin-ka oo uu hogaaminayay ergayga ruushka u matalada Suuriya Mr Alexander Lavrentiev.

Hogaamiyaha Suuriya ayaa dhanka kale tilmaamay in dadaalada nabada uu doonayo in ay u socdaan sida loo Jiheeyay.

Milatariga Mareykanka ee wali ku harsan waqooyiga iyo ciidanka kale ee Turkiga ayuu ugu baaqay in aysan ku xadgudbin madaxbanaanid dalkiisa ayna Isaga Baxaan.

Hadalka madaxweyne Assad ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta dagaal culus uu dhexmaray maleeshiyada kurdida iyo milatariga Turkiga ay ka dhaceen jiida hore ee dagaalka Inkastoo ay jirto xabad joojin lagu Dhawaaqay.

Faallooyin