Puntland oo soo jeedisay in la xaliyo qilaafka dowlada dhexe iyo maamul Goboleedyada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ku baaqay markale wadashaqeyn dhaxmarta dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada ka jira dalka.


Mr Deni ayaa sheegay in ka maamul ahaan uu diyaar u yahay in la xaliyo qilaafka Puntland kala dhaxeeya dowlada kaasi oo bilihii la soo dhaafay aan wanaagsaneyn.

Dowlada dhexe ee soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo hogaanka Puntland ay ku eedeeyeen xukuumada Muqdisho in ay faragalin ku heyso maamulada ka jira Dalka.

Xafladii caleema saarka ee todobaadkii hore ka dhacday ayuu Deni ku baaqay wadahadal dhexmara dowlada iyo maamulada qeybta ka ah iyadoo baaqan uu noqonayo kii labaad ee ka soo Yeera.

Madaxweynaha doorashadiisa muranka dhalisay ee Jubbaland ayaa dhankiisa tilmaamay in ay diyaar u yihiin in waxwaliba ay uga danbeeyaan dowlada Dhexe.

Faallooyin