Inkabadan konton qof oo ku dhintay qaraxyo mataano ah oo ka dhacay Masaajid ku yaal yaal dalka Afghanistan

Dad badan oo tukanayay salaada Jimcaha ayaa ku dhintay halka inkabadan 100 ruux ay ku dhinteen kadib qaraxyo mataano ahaa oo ka dhacay masaajidka ku yaal gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan.


Afhayeenka barasaabka Attullah Khogyani ayaa sheegay in 62 ruux ay ku dhinteen qaraxyada ka dhacay masaajidka ku yaal degmada bari Mena kuwaasi ku guda jiray salaada Jimcaha.


Dhanka kale weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan boqol qof, sida uu sheegay Sohrab Qadeeri oo ka mid ah mas,uuliyiinta gobolka Nangarhar, isaga oo intaa raaciyay in dhimashada ay sii kordhi Karto.

Mr Qadeeri ayaa intaa raaciyay in shaqaalaha gurmadka ay wali wadaan samatabixinta dad laga cabsi qabo in ay ku hoos jiraan dhisamaha masjidka oo burbur xoogan uu soo Gaaray.


Goob joogo ku sugnaa markii uu dhacay qaraxa ayaa wakaalada wararka ee AFP u xaqiijiyay in 350 ruux ay ku tukanayeen Masaajidka la Weeraray.


Malik Mohammadi Gul Shinwari, oo ka mid ah odayaasha degmada Mena ayaa sheegay in gabi ahaanba uu burburay masaajidka, uuna ku qaracmay in uu goob joog u ahaado Mashaqadaan.

Faallooyin