Dowlada oo u yeertay safiirka Kenya u jooga magaalada Muqdisho

Dowlada dhexe ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr Lucas Tumbo si wax looga weydiiyo diyaaradii 5-tii bishan ka soo duushay magaalada Nairobi ee ku degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Wasiiru dowlaha arimaha dibada mr Cabduqaadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa ugu baaqay diblumaasiga Kenya in uu si deg deg ah jawaab uga Bixiyo Arintaan.


Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin faragalinta qaawan oo Kenya ku heyso Soomaaliya.


Maalin ka hor ayey aheyd markii aan idiin soo gudbinay in Kenya ay beenisay in ay wax ka ogtahay diyaarada ka degtay magaalada Kismaayo.

Faallooyin