Farmaajo iyo Abiye oo kulan Muhiim ah ku yeeshay caasimada Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyada dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa Ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed kadib safar uu maanta ku Gaaray.

Mr Farmaajo iyo Abiye ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iskaashiga dhanka amniga iyo dhaqaalaha,waxaana kulanka qeyb ka ahaa wasiirka arimaha dibada Mahad Ciise Cawad, iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali.

ocdaalka Farmaajo ayaa yimid kadib casuumaad uu ka helay ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Mas,uuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa inkabadan sanad dadaal ugu jira sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac tan iyo markii uu xilka la wareegay mr Abiye sanadkii Hore.

Faallooyin