Iiraan oo soo jeedisay sida xal looga gaari karo xasarada ka taagan gacanka Khaliijka

Wasiirka arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif ayaa sheegay in wadamada ku yaal bariga dhexe iyo gacanka Khaliijka ay nabad ku naaloon doonaan ama dhibaato ay dhexmaquuraan doonaan Mustaqbalka.


Mr ayaa hadalkaan ka jeediyay kadib wareysi uu siiyay majada Al Rai ee dalka Kuwait, taasi oo la xiriirta sida uu u arko fikir ahaan sida xal waara looga gaari karo ami darada ka jirta dalalka ku yaal gacanka Khaliijka.

Mr Zarif ayaa intaa raaciyay inkabadan sidii hore uu wadan kasta ay mas,uuliyad ka saaran tahay amniga loona baahan yahay in si wadajir ah looga Shaqeeyo.

Diblumaasiga reer Iiraan ayaa dhanka kale tilmaamay in masiirka dadka gobolka uu isku wada mid yahay, ayna dhici doonin in kuwana ay ku naaloodaan nabad halka kuwa kalena ay Dhibtoodaan.

Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa duulaan isbaheysi ah ku qaaday dalka Yemen sanadkii 2015-kii iyaga oo taageeraya dowlada dibad jooga ah ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdurabu Mansuur Haadi.

Dagaalo u dhaxeeya isbaheysigaan iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa waxaa ku dhintay kumanaan Ruux halka malaayiin kale ay ku barakaceen gudaha iyo dibada Yemen.


Iiraan oo dhanka kale lagu eedeeyay in ay taageero indho la,aan ah siiso xuutiyiinta Yemen, waxaana lagu dhaliilay in ay iyadu ka danbeysay weerarkii 14-kii bishii September lagu qaaday laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Faallooyin