Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiiq Axmed ayaa gaaray goor dhaweyd magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah dowlad deegaanka Jubbaland iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaarka Diyaaradaha.


Labada siyaasi iyo xubnaha kale ee la socday ayaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada oo kulamo uu kula qaadan doono madaxweynaha la doortay mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe.


Wafdiga gaaray ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horay dalka uga soo qabtay xilal kala duwan kaasi oo hal diyaarad ay soo wada raaceen shariif Shiikh Axmed.


Mar ay hadleen warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin socdaalka magaalada Kismaayo si uu uga qeyb qaataan xaflada caleema Saarka.


Siyaasiyiinta ayaa todobaad ka hor looga hor istaagay socdaal ay ku doonayeen in ay ku gaaraay magaalada Kismaayo kadib amar ka soo baxay Dowlada.


Socdaalka wafuudaan ayaa imaanaya iyadoo barqadii maanta diyaarad waday madaxweynaha ismaamulka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani iyo Senator Cabdrixmaan Faroolee ay ka degtay magaalada Kismaayo.

Faallooyin