Madaxweyne Erdogan oo hanjabaad culus u diray wadamada qaarada Yurub

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid wadamada canbaareynaya duulaanka uu Turkiga ku qaaday maleeshiyada Kurdida ee ku sugan gobolka Idlib ee dalka Suuriya.


Mr Erdogan ayaa tilmaamay in wadamada reer Yurub iyo xulufadooda looga baahan yahay in ay qaadaan culeyska qaxootiga suuriyaanka ee ku sugan Turkiga, tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya sanadkii 2011-kii.

Hogaamiyaha Turkiga oo Khudbad ka jeedinayay Tv-ga dowlada ayaa ku hanjabay in qaxootiga suuriya oo dhan 3.6 million uu u ogolaan doono in ay aadaan Yurub hadii dalalka reer galbeedka ay sii wadaan dhaleeceynta ka dhan ka ah Dowladiisa.


Hadii aad ku tilmaantid howlgalka Turkiga ee waqooyiga Suuriya mid wax kala qeybinaya waxaana qaxootiga u furi doonaa albaabada laga galo qaarada Yurub.

Xukuumada Ankara ayaa dooneysa in aag ka caagan colaada ay ka sameyso gobolka Idlib si malaayiinta suuriyaanka ah ay ugu suura gasho in dalkooda ay dib ugu Noqdaan.

Dhanka kale goob joogayaal ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay Khamiista maanta ah duqeyn ka geesteen aagaga ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Kurdida.

Mareykanka ayaa kun askari oo kaga sugnaa gobolka Idlib kala baxay dhowr maalin ka hor kuwaasi oo ka barbar dagaalamayay dagaalyahanada Kurdida, waxaana ay ku guuleesteen in deegaanada ay ku sugan yihiin ay ka saaraan maleeshiyada la magac baxday dowlada Islaamka ee Daacish.

Faallooyin