Madaxweynaha Ismaamulka Puntland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Sanatar Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa madaarka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas,uuliyiin uu ka mid yahay mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxaana loo galbiyay madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Ujeedka safarka xubnahaan ayaa la xiriira caleemo saarka Axmed Madoobe oo bil ka hor lagu doortay magaalada Kismaayo Inkastoo dowlada ay ku tilmaantay doorashada in aysan u dhicin hab waafaqsan shuruucda Dalka.

Mr Deni oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la mid yahay kan Axmed Madoobe uu marar badan ku tagay ismaamul goboleedka Puntland.

Lama oga waqtiga caleema saarka uu dhici doono inkastoo mas,uuliyiinta Jubbaland ay sheegeen in marka wafdiga kale ee la sugayo marka ay yimaadaan lagu dhawaaqI Doono.

Faallooyin