Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxeysay diyaarad ku soo dhacday madaarka Muqdisho

Madaarka caalamiga ah ee Aadan Cabdule Cismaan ayaa waxaa ku soo dhacday diyaarad nooca rayidka ah kadib markii ay ciladi soo wajahday sida ay Universal u xaqiijiyeen saraakiisha Garoonka.


Diyaarada ayaa wax qasaare ah aysan ka soo gaarin rakaabka iyo shaqaalihii la socday kuwaasi oo iyaga oo badqaba laga saaray diyaarada kadib markii Gurmad loo Fidiyay.



Sababaha keenay in diyaarada ay ku soo dhacdo gudaha garoonka ayaa lagu macneeyay cilad ku timid mashiinada dibada u saara lugaha iyadoo duuliyaha uu awoodi waayay in uu ka shaqeysiiyo.



Arintaan ayaa keentay in uu hakad galo dhaqdhaqaaqii howlaha madaarka Muqdisho iyadoo shaqaalaha garoonka ay wadaan in diyaarada laga saaro wadada ay ku duulaan diyaaradaha soo dagaya iyo kuwa ka baxaya garoonka Aadan Cabdule Cismaan ee magaalada Muqdisho.


Faallooyin