Mas,uuliyiin ka soo jeeda Puntland oo sheegay in ay u safri doonaa magaalada Kismaayo

Diyaar garow xoogan ayaa waxay ka socdaan magaalada Garowe taasi oo la xiriirta safar madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland uu uga qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Jubbaland.


Wafdi ka tirsan golaha wasiirada ee xukuumada Fedaraalka ayaa kulamo la xiriira xalinta qilaafka dowlada dhexe iyo Puntland u tagay halkaasi si loo xaliyo qilaafka  maamulka Garowe iyo xukuumada Dhexe.


Madaxweyne Deni ayaa aqbalay in wadahadalka balse wuxuu diiday in uu ka baaqdo caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe, maadaama lagu Casuumay.


Wararka aynu ka heleyno Puntland ayaa hada sheegaya in madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni iyo Senatar Cabdiraxmaan Faroole ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo.

Lama oga diyaarada qaadi doonto halka ay ka baxeyso iyadoo dowlada wacad ku martay in talaabo ay ka qaadi doonto diyaaradii jabisa Sharciga.

Faallooyin