Kenya oo ka hadashay diyaaradii maalmo ka hor ka degtay magaalada Kismaayo

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay eeda ah in ay ku lug laheyd diyaarad maalmo ka hor ka soo duushay magaalada caasimada ah ee Nairobi oo ku degtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Sargaal ka tirsan xukuumada Nairobi oo la hadlay Jaraa'idka Nation oo magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in Kenya aysan wax ka ogeyn dhaliisha kaga timid Soomaaliya.


Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tilmaamay in Kenya ay Ixtiraameyso shuruucda caalamiga ah ee socdaalka, xaqna ay Soomaaliya u leedahay in ay difaacato Hawadeeda.


Kenya ayaa dhanka kale tilmaantay in Soomaaliya ay ku fashilantay shaqadii ay iyadu laheyd taa badalkeedana ay ku eedeyneyso Kenya in ay ku xadgudubtay madaxbanaanida Soomaaliya.


Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka ay dacwad ka dhan ah habdhaqanka Kenya ay u gudbisay golaha amniga Qaramada Midoobay.


Dowlada ayaa horay u amartay in diyaaradaha aadaya Kismaayo ay soo maraan garoonka diyaarada Aadan Cabdule Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa la xiriirta doorashadii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe taasi oo dowlada ku tilmaantay in aan loo marin hab waafaqsan Shuruucda. 

Faallooyin