Amaanka magaalada Muqdisho oo aad loo Adkeeyay

Kalafadhiga lixaad ee golaha Baarlamaanka dalka ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho kaasi oo xirnaa lixdankii maalmood ee la soo Dhaafay.

Amaanka caasimada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay goob joog madasha ka yihiin madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad oo booqasho maalmo ah ku qaadanaya Dalka.

Mr Xumad ayaa dhankiisa ka hadli doona xarunta booliska Janaraal Kaahiye oo uu ka furmayo Shirka.


Iyadoo laba bil ay fasax ku maqnaayeen baarlamaanka ayaa maanta la filayaa marka uu furmo kulamadooda caadiga ah in diirada la saaro arimo badan iyo sharciyada Horyaala.

Faallooyin