Milatariga Israel oo bandow ku soo rogay daanta Galbeed iyo magaalada Gaza

Milatariga Israel ayaa bandow ku soo rogay daanta galbeed inta si loogu gogol xaaro wadaad diimeedyo u dhashay Israel oo xus diimeed ku dhigan doono magaalada Qudus.


Sida ay tabisay warbaahinta Falastiin, dowlada Israel ayaa ku dhawaaqday in ay xirnaan doonaan isku socodka wadooyinka daanta galbeed iyo magaalada Gaza ilaa iyo aroornimada Khamiista.


Israel ayaa dhanka kale ku dhawaaqday in aan la isaga gudbi karin xadka ay la wadaagto wadamada dariska la ah inta ay socoto xaflad diimeedka Yahuuda oo loo yaqaan Yom Kippur.


Amarkan ayaa dhanka kale lagu faray in dhamaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa daabula xamuulka xarumaha adeega dadweynaha iyo Tv-yada ay joojiyaan howlahooda inta lagu guda jiro fasaxa labada maalin ah.

Goobaha kale ee Israel xayiraada saartay ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha ka soo daga madaarka caalamiga ah ee Ben Gurion ee magaalada caasimada ah ee Tel Aviv.

Faallooyin