Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya

Gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) ayaa kulan la qaatay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mr James Swan.


Labada mas,uul ayaa ka wadahadlay xoojinta amniga caasimada dalka iyo in Qaramada midoobay ay qeyb ka qaadato xoojinta Amniga iyada oo la kaashaneysa maamulka gobolka Banaadir.

Mr Finish iyo Mr Swan ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka heesta dhalinyarada Muqdisho iyo qaabka shaqa abuur loogu Sameyn karo si qeyb ay uga noqdaan kobaca dhaqaalaha Dalka.


Gudoomiyaha gobolka ayaa waday todobaadyadii la soo dhaafay kulamada uu la qaadanayo mas,uuliyiinta ku sugan magaalada Muqdisho taasi oo la xiriirta sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta maamulka iyo hey,ada dowlada iyo kuwa Caalamiga.

Faallooyin